Posts

Showing posts from October, 2017

Dadka Qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada Somaliland oo la Shaaciyey

Image
Guddiga Doorashada Somaliland oo si rasmi ah u Shaaciyay tirada dadka iska diiwaan galiyay sidoo kale qaatay kaararka aqoonsiga Doorashada la filayo in deegaanada Somaliland ka dhacdo 13 November ee sanadkan. Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay tirada dadka qaatay kaadhka cod-bixin

Shirka kismaayo madaxweyne xaaf oo kulul mamulgibledyada

Image

Ra’iisul wasaare Kheyre oo bogaadiyay Madaxda iyo howl wadeenada Wasaaradda Maaliyadda

Image
Ra'isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo waxa uu ku tagay xarunta Wasaarada Maaliyada, waxa uuna u kuur galayay howlaha shaqo ee ka socda Wasaarada. Kormeerka uu Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ku tagay Xarunta Wasaarada Maaliyada waxaa ku wehliyay wasiiru dowlaha Wasaradda Maaliyadda Xukuumada Somalia iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaas . Ra'isul Wasaare Kheyre ayaa mid mid u booqday xafiisyada kala duwan ee Wasaarada Maaliyada, waxa uuna warbiixn ka dhageestay qaar kmaid ah masuuliyiinta Wasaarada oo ka war bixiyay sida shaqada Wasaarada u socoto. Xasan Kheyre ayaa horey u balan qaaday in uu jiri doono isla xisaabtan dhab ah, waxa uuna Ra'isul Wasaaraha marar badan booqasho ku tagay xarumaha Wasaaradaha Xukuumada si uu indhihiisa ugu arko sida ay shaqooyinka u socdaan.

Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Khartuum

Image
Madaxweynaha Jmahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan. Madaxweynaha iyo wafdi la socday waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir iyo xubno ka tirsan golayaashiisa Dowladda iyo mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan. Wafdiga Madaxweynaha ayaa socdaalkooda waxa ay qaadan doontaa muddo labo cisho ah, waxaana dhigiisa Sudan ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal. Sidoo kale labada Mas’uul ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ammaanka iyo sidii Dowladda Suudaan ay kaalin uga qaadan lahayd dib u dhiska iyo xasiloonida dalka, iyagoo kala saxiixan doona heshiis ku dhisan dhinaca iskaashiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo Dalka Suudaan waxaa la filayaa in uu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi,islamarkaan uu uga warbixiyo horumarka ...

Madaxweyne Farmaajo “Inuu dhibka noo soo hormaro waa faa’ido, waana ku ad-adkaaneyna”

Image
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Xukuumadda ay mas’uul ka tahay arrimaha ammaanka, siyaasada iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in wixii ka xumaada uu kula xisaabtami doono. Isagoo ka hadlayay Munaasabadii uu shalay ku saxiixay Sharciga Isgaarsiinta ayaa Madaxweynaha waxaa uu soo hadal qaaday xaalada dalka iyo waxyaabihii adkaa ee la soo maray, inkastoo aanu dul istaagin, hadana waxaa uu xusay inay cashar ka baranayaan. “Xukuumadda waxay mas’uul ka tahay, Amniga, Siyaasada iyo dhaqaalaha, sida u magacaabay muddo hada laga joogo Lix 6 biilod iyo labo cisho, sida loo ansixiyay oo howshooda u bilaabeen ayaga shaqeeya ayagaa is ka leh, hadey ammaan tahay, korka ka eegaa, hadey xumaan tahayna waa kula xisaabtamaa”ayuu yiri Madaxweyne Framaajo oo u muuqday inuu isa bari-yeelayay mas’uuliyada dhacdooyinka qaar ee dalka ka dhacay. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay in waxyaabaha qaar in la maareeyo, isagoo qiray inay dhibaatooyin kala duwan so...

Axmed Madoobe oo u yeeray xubnaha Jubbaland ugu jira Aqalka sare

Image
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa u yeeray Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay Jubbaland, si ay uga qeyb galaan shirka maamul goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Kismaayo. Ilo ku dhow dhow xubnaha Aqalka sare ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu xitaa casuumaad u soo diray Guddoonka Aqalka sare iyo Guddiyada Joogtada, si ay talo uga yeeshaan shirka Kismaayo, maadaama Aqalka Sare ay matalaan Maamul goboleedyada. Dowladda Dhexe ayaa walaac ka qabata shirka, waxaana laga yaabaa inay culeys ku saarto Guddoonka Aqalka sare in aysan ka qeyb gelin shirka Kismaayo. Shirka Kismaayo oo qaban qaabadiisa ay bilaabatay ayay wararku sheegayaan in maalinta berri oo Arbaco ah ay tagi doonaan wafuudii u horeysay oo ka socda Maamul goboleedyada. Ujeedada shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid looga tashanayo, xalna loogu raadinayo khilaafkii ka dhashay go’aanadii iska horyimid ee Dowlad Goboleedyada qaar iyo Dowlada Federaalka ah ee la xiriiray Khi...

DAAWO WARAR KA IMAANAYA UGANDANA

Image
Afhayeenka Kadaga wuxuu joojiyay 25-ka xildhibaan ee 3da xiga ee soo socda, waxaana uu waydiisay inay si degdeg ah uga baxaan Chambers. Xildhibaanada laga joojiyay: Kibuule, Ssewanyana, Amoding, L                        

Kulan su’aalo lagu weydiinayey wasiirka Dhalinyarada K/Galbeed oo Baydhabo lagu qabtay

Image
Kulan dood wadaaga ah aya waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha K/Galbeed Soomaaliya, waxaana su’aalo lagu weydiinayey islamarkaasina talooyin lagu siinayey wasiirka wasaaradd Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed  C/laahi Cumar Fanax. Kulaka ayaa waxaa ka soo qeybgaley ururada iyo daladaha ay ku mideysanyiin dhalinyarada Koonfur Galbeed, waxaana wasiirka laweydiiyey Su’aalo laxariiray waxayaabihii wasaaradiisa uqabsoomi waayey intii ay jirtay, waxaana sidoo kale lasiinayey talooyin ku aadan shaqada wasaaradda iyo maareynteeda. Wasiirka ayaa sidookale waxaa dhalinyaradii ka soo qeyb gashey  kulanka ay ku amaaneen howlihii faraha badnaa ee wasaaradiisa ay qabatey tan iyo intii ay jirtay. Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed  C/laahi Cumar Fanax ayaa jawaabo ay ku qanceen Dhalinyaradii su’aala weydiiyey siiyey, waxaana uu sheegay in talooyinka faraha badan ee lasiiyey uu tixgalin doono.  

Tillerson: Kuuriyada Waqooyi Wadahadal Ayaan La Yeelanay

Image
Xogahayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi aysan diyaar u ahayn xal u helidda khilaafka ka taagaan hanashada nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi. Xogayhaya ayaa hadalkan shaaca ka qaaday isaga oo ku sugan caasimadda dalka China ee Beijing, waana markii u horaysay ee tan iyo intii ay soo cusboonaatay xiisadda Kuuriyada Waqooyi uu ka hadlo. Waxaana uu saxaafadda u sheegay inay jiraan wadahadallo dhex maray labada dhinac, waxana uu sidoo kale tilmaamay inay ilaa imika jiraan ugu yaraan saddex qaab oo ay labada dal ku xidhiidhi karaan oo wali furan.

Guddoomiye Cali Gacal Casir”Shacab Koofiyo loo galiyay ayaa Xilka iga qaaday

Image
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay Saxaafadda ayaa ka horyimid Xilka qaadis uu Sheegay in ay ku sameeyeen Dad Shacab ah oo loo soo xiray Koofiyo si looga dhigo Xildhibaanada Maamulka Galmudug. Cali Gacal Casir ayaa sheegay in aysan Sharci aheyn Xilka qaadista ay sheegeen in ay ku sameeyeen Qaar ka mida Xildhibaanada Galmudug Garabka Taageersan Madaxweyne Xaaf,waxaana uu Sheegay inuu weli yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Baarlamaanka Galmudug ayaa Qaar kamida waxaa ay Sheegeen in ay Xilkii ka Qaadeen Madaxweyne Xaaf,iyadoo Madaxweyne Xaafna uu ka hor yimid,balse Shalay ayey Xildhibaanno kale oo Taageersan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaafay Sheegeen in ay Xilka ka tuureen Madaxweyne Kuxigeenkii iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Arrintaasi ay sii Cakireyso Khilaafka Madaxda Galmudug U dhaxeeya. Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa labo garab u kala jabay, waxaana ay qaadayaan tallaabooyin iska Soo hor-jeeda oo x...

Gudoomiyaha Golaha shacabka JFS oo kulan la qaatay dhigiisa Masar”Sawirro”

Image
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar Ali Abdel Aal. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada Baarlamaan, sidii la isku weydaarsan lahaa waayo aragnimo iyo iskaashi la xiriira howlaha baarlamaanada labada dal. Sidoo kale labada Guddoomiye ayaa yeeshay kulan ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Guddiyada Baarlamaanka labada dal, iyagoo is dhaafsaday aragti ku saabsan horumarinta labada baarlamaanka. Labada Guddoomiye ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan wada shaqeyn iyo sidii ay isku weydaarsan lahaayeen horumarinta iyo waayo aragnimada labada Baarlamaanka.

Wasiirka Amniga oo soo bandhigay baaritaanka kiiskii Xamar weyne, Taliyeyaal iyo askar loo xiray

Image
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa soo bandhigay baaritaankii Saraakiisha Booliska ku hayeen dhacdadii Axadii la soo dhaafay ka dhacday degmada Xamar weyne, kaasoo kooxo watay gaari ay ku rasaaseeyeen gaari kale. Wasiirka Amniga oo ka hadlayay Xarunta Jen. Kaahiye ayaa sheegay baaritaanka kiiskan ay iska kaashadeen Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska, isagoo xusay in gacanta lagu dhigay ninka laga shakisan yahay iyo gaarigii lagu fuliyay weerarkaas oo baaritaan lagu haayo. “Waxaa la hayaa cadeymo furo u noqon kara kiiska, dib ayaa laga soo sheegi doonaa marka uu baaritaanka soo dhamaado, gaariga uu ninka watay baaritaan dheeraad ayaa ku socdo”ayuu yiri Wasiirka Amniga. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xabsiga la dhigay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida degmada Xamar weyne oo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo dayac. “Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ee degmada Xamar weyne xabsiga ayaa la dhigay, xilalkana waa laga ...

Axmed Ducaale Xaaf oo xaalad deg deg ku soo rogay deegaanada Galmudug

Image
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhowaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen ayaa maanta soo saaray wareegto uu xaalad deg deg ah ku soo rogayo deegaanada uu ka taliyo maamulkiisa. Wareegtadan ayaa lagu sheegay in xaalad deg deg oo soconeysa 3 bilood oo ka bilaabata bisha October uu ku soo rogay deegaanada Galmudug. Xaaladan deg dega ah ayaa waxay awoodo dheeraad ah siineysa maamulkiisa, isagoo fara ciidamada kala duwan inay fuliyaan amarkan. Arrintan ayaa waxay sii kicineysa xiisada siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Galmudug, waxaana Baarlamaanka Galmudug uu noqday mid labo garab u kala jabay oo sameeyay xil ka qaadis iska soo horjeeda.