Madaxweyne Farmaajo “Inuu dhibka noo soo hormaro waa faa’ido, waana ku ad-adkaaneyna”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Xukuumadda ay mas’uul ka tahay arrimaha ammaanka, siyaasada iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in wixii ka xumaada uu kula xisaabtami doono.

Isagoo ka hadlayay Munaasabadii uu shalay ku saxiixay Sharciga Isgaarsiinta ayaa Madaxweynaha waxaa uu soo hadal qaaday xaalada dalka iyo waxyaabihii adkaa ee la soo maray, inkastoo aanu dul istaagin, hadana waxaa uu xusay inay cashar ka baranayaan.

“Xukuumadda waxay mas’uul ka tahay, Amniga, Siyaasada iyo dhaqaalaha, sida u magacaabay muddo hada laga joogo Lix 6 biilod iyo labo cisho, sida loo ansixiyay oo howshooda u bilaabeen ayaga shaqeeya ayagaa is ka leh, hadey ammaan tahay, korka ka eegaa, hadey xumaan tahayna waa kula xisaabtamaa”ayuu yiri Madaxweyne Framaajo oo u muuqday inuu isa bari-yeelayay mas’uuliyada dhacdooyinka qaar ee dalka ka dhacay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay in waxyaabaha qaar in la maareeyo, isagoo qiray inay dhibaatooyin kala duwan soo mareen.

“Dowladda ayaa laga rabaa inay maareeyso, lixdii bilood aan jirnay wax waa soo marnay, waxaa aaminsanahay sideedaba qofka markuu socod baranayo, heerar kala duwan ayuu soo maray, inuu dhibka noo soo hormaro laftirkeeda waa faa’ido waa ku ad-adkaaneynaa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka soo muuqan warbaahinta iyo fagarayaasha laga hadlo, waxaana dad badan is weydiinayeen sida Madaxweyuhu uga gaabsaday xaaladaha qaar ee dalka ka jira, iyadoo howsha sida muuqata xooggeeda waday Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre

Comments

Popular posts from this blog

Axmed Ducaale Xaaf oo xaalad deg deg ku soo rogay deegaanada Galmudug

Kulan su’aalo lagu weydiinayey wasiirka Dhalinyarada K/Galbeed oo Baydhabo lagu qabtay