Ra’iisul wasaare Kheyre oo bogaadiyay Madaxda iyo howl wadeenada Wasaaradda Maaliyadda

Ra'isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo waxa uu ku tagay xarunta Wasaarada Maaliyada, waxa uuna u kuur galayay howlaha shaqo ee ka socda Wasaarada.

Kormeerka uu Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ku tagay Xarunta Wasaarada Maaliyada waxaa ku wehliyay wasiiru dowlaha Wasaradda Maaliyadda Xukuumada Somalia iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaas .

Ra'isul Wasaare Kheyre ayaa mid mid u booqday xafiisyada kala duwan ee Wasaarada Maaliyada, waxa uuna warbiixn ka dhageestay qaar kmaid ah masuuliyiinta Wasaarada oo ka war bixiyay sida shaqada Wasaarada u socoto.

Xasan Kheyre ayaa horey u balan qaaday in uu jiri doono isla xisaabtan dhab ah, waxa uuna Ra'isul Wasaaraha marar badan booqasho ku tagay xarumaha Wasaaradaha Xukuumada si uu indhihiisa ugu arko sida ay shaqooyinka u socdaan.

Comments

Popular posts from this blog

Axmed Ducaale Xaaf oo xaalad deg deg ku soo rogay deegaanada Galmudug

Kulan su’aalo lagu weydiinayey wasiirka Dhalinyarada K/Galbeed oo Baydhabo lagu qabtay