Axmed Madoobe oo u yeeray xubnaha Jubbaland ugu jira Aqalka sare
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa u yeeray Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay Jubbaland, si ay uga qeyb galaan shirka maamul goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Kismaayo.
Ilo ku dhow dhow xubnaha Aqalka sare ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu xitaa casuumaad u soo diray Guddoonka Aqalka sare iyo Guddiyada Joogtada, si ay talo uga yeeshaan shirka Kismaayo, maadaama Aqalka Sare ay matalaan Maamul goboleedyada.
Dowladda Dhexe ayaa walaac ka qabata shirka, waxaana laga yaabaa inay culeys ku saarto Guddoonka Aqalka sare in aysan ka qeyb gelin shirka Kismaayo.
Shirka Kismaayo oo qaban qaabadiisa ay bilaabatay ayay wararku sheegayaan in maalinta berri oo Arbaco ah ay tagi doonaan wafuudii u horeysay oo ka socda Maamul goboleedyada.
Ujeedada shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid looga tashanayo, xalna loogu raadinayo khilaafkii ka dhashay go’aanadii iska horyimid ee Dowlad Goboleedyada qaar iyo Dowlada Federaalka ah ee la xiriiray Khilaafka wadamada khaliijka.
Guriga Martida Kismaayo ayaa loo diyaariyay in wafdiga maamul goboleedyada in la dejiyo, waxaana shirar u socda Guddiga qaban qaabada shirka.
Hadii Shirkan uu dhaco waxaa uu noqonayaa shirkii u horeeyay ee maamul goboleedyada oo keligood ay yeeshaan, iyadoo dowladda Federaalka ay ka maqan tahay.
Comments
Post a Comment