Axmed Ducaale Xaaf oo xaalad deg deg ku soo rogay deegaanada Galmudug
Wareegtadan ayaa lagu sheegay in xaalad deg deg oo soconeysa 3 bilood oo ka bilaabata bisha October uu ku soo rogay deegaanada Galmudug.
Xaaladan deg dega ah ayaa waxay awoodo dheeraad ah siineysa maamulkiisa, isagoo fara ciidamada kala duwan inay fuliyaan amarkan.
Arrintan ayaa waxay sii kicineysa xiisada siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Galmudug, waxaana Baarlamaanka Galmudug uu noqday mid labo garab u kala jabay oo sameeyay xil ka qaadis iska soo horjeeda.

Comments
Post a Comment