Guddoomiye Cali Gacal Casir”Shacab Koofiyo loo galiyay ayaa Xilka iga qaaday
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay Saxaafadda ayaa ka horyimid Xilka qaadis uu Sheegay in ay ku sameeyeen Dad Shacab ah oo loo soo xiray Koofiyo si looga dhigo Xildhibaanada Maamulka Galmudug.
Cali Gacal Casir ayaa sheegay in aysan Sharci aheyn Xilka qaadista ay sheegeen in ay ku sameeyeen Qaar ka mida Xildhibaanada Galmudug Garabka Taageersan Madaxweyne Xaaf,waxaana uu Sheegay inuu weli yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Baarlamaanka Galmudug ayaa Qaar kamida waxaa ay Sheegeen in ay Xilkii ka Qaadeen Madaxweyne Xaaf,iyadoo Madaxweyne Xaafna uu ka hor yimid,balse Shalay ayey Xildhibaanno kale oo Taageersan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaafay Sheegeen in ay Xilka ka tuureen Madaxweyne Kuxigeenkii iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka,
iyadoo Arrintaasi ay sii Cakireyso Khilaafka Madaxda Galmudug U dhaxeeya.
Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa labo garab u kala jabay, waxaana ay qaadayaan tallaabooyin iska Soo hor-jeeda oo xil ka qaadis ah.

Comments
Post a Comment