Gudoomiyaha Golaha shacabka JFS oo kulan la qaatay dhigiisa Masar”Sawirro”




Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar Ali Abdel Aal.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada Baarlamaan, sidii la isku weydaarsan lahaa waayo aragnimo iyo iskaashi la xiriira howlaha baarlamaanada labada dal.
Sidoo kale labada Guddoomiye ayaa yeeshay kulan ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Guddiyada Baarlamaanka labada dal, iyagoo is dhaafsaday aragti ku saabsan horumarinta labada baarlamaanka.
Labada Guddoomiye ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan wada shaqeyn iyo sidii ay isku weydaarsan lahaayeen horumarinta iyo waayo aragnimada labada Baarlamaanka.







    Comments

    Popular posts from this blog

    Axmed Ducaale Xaaf oo xaalad deg deg ku soo rogay deegaanada Galmudug

    Kulan su’aalo lagu weydiinayey wasiirka Dhalinyarada K/Galbeed oo Baydhabo lagu qabtay