Tillerson: Kuuriyada Waqooyi Wadahadal Ayaan La Yeelanay

Xogahayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi aysan diyaar u ahayn xal u helidda khilaafka ka taagaan hanashada nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Xogayhaya ayaa hadalkan shaaca ka qaaday isaga oo ku sugan caasimadda dalka China ee Beijing, waana markii u horaysay ee tan iyo intii ay soo cusboonaatay xiisadda Kuuriyada Waqooyi uu ka hadlo.

Waxaana uu saxaafadda u sheegay inay jiraan wadahadallo dhex maray labada dhinac, waxana uu sidoo kale tilmaamay inay ilaa imika jiraan ugu yaraan saddex qaab oo ay labada dal ku xidhiidhi karaan oo wali furan.

Comments

Popular posts from this blog

Axmed Ducaale Xaaf oo xaalad deg deg ku soo rogay deegaanada Galmudug

Kulan su’aalo lagu weydiinayey wasiirka Dhalinyarada K/Galbeed oo Baydhabo lagu qabtay