Axmed Madoobe oo Guddi u saaray qaban qaabada shirka Madaxda dowlad goboleedyada

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay shir aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada, kaasoo looga hadlayay arrimaha ka jira deegaanada maamulkiisa iyo xaalada siyaasadeed ee dalka. Axmed Madoobe ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay halka ay mareyso xaalada siyaasadeed ee dalka, isagoo xusay in meel wanaagsna ay marayaan dadaalada uu ugu jiro sidii Kismaayo loogu qaban lahaa kulan wada tashi ah. Waxa uu sheegay in kulanka wada tashi looga hadli doono xal u raadinta khilaafka ka dhashay go’aamadii iska hor yimid ee dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ee la xiriiray khilaafka dalalka Khaliijka. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa faray dhamaan Golaha Wasiirada inay u diyaar garoobaan sidii shirkaas si habsami leh ugu qabsoomi lahaa, isagoo ka codsaday shacabka inay ka shaqeeyaan nabadgelyada. Intaas kaddib Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa isku raacay in loo diyaar garoobo qabsoomida shirka, iyadoo martida ka qeyb g...