War Murtiyeed laga soo saaray khilaafka Galmudug


Xildhibaanada iyo Senatarada laga soo doorto dowlad goboleedka Galmudug oo booqasho ku tegey shalay magaalada Cadaado ayaa warmurtiyeed saddex bog ka kooban ka soo saaray khilaafka ka dhex jira Maamulka sare ee Galmudug.

War Murtiyeedkan ayay xildhibaanada iyo Senatarada ku sheegeen in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle uu oggolaaday in wadahadal lagu xalinayo khilaafka uu la yeesho dhinacyada ka soo horjeeda balse Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay diideen in wax wadahadal ah la galaan Xaaf maadaama uu yahay qof kalsoonidii ay kala laabteen xildhibaanada Galmduug.

Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee dowlada federalka ay farogelin ku hayso maamulka Galmudug ayna ka dambeyso khilaafka ka jira, waxaana si gaar ah loogu xusay warmurtiyeedkan in musharax ay wataan madaxda dowlada federalka uu ku sugan yahay Cadaado ayna maalgelinayaan.

Halkan ka akhriso War Murtiyeedka laga soo saray Cadaado




Comments

Popular posts from this blog

Axmed Ducaale Xaaf oo xaalad deg deg ku soo rogay deegaanada Galmudug

Kulan su’aalo lagu weydiinayey wasiirka Dhalinyarada K/Galbeed oo Baydhabo lagu qabtay