Axmed Madoobe oo Guddi u saaray qaban qaabada shirka Madaxda dowlad goboleedyada
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay shir aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada, kaasoo looga hadlayay arrimaha ka jira deegaanada maamulkiisa iyo xaalada siyaasadeed ee dalka.
Axmed Madoobe ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay halka ay mareyso xaalada siyaasadeed ee dalka, isagoo xusay in meel wanaagsna ay marayaan dadaalada uu ugu jiro sidii Kismaayo loogu qaban lahaa kulan wada tashi ah.
Waxa uu sheegay in kulanka wada tashi looga hadli doono xal u raadinta khilaafka ka dhashay go’aamadii iska hor yimid ee dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ee la xiriiray khilaafka dalalka Khaliijka.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa faray dhamaan Golaha Wasiirada inay u diyaar garoobaan sidii shirkaas si habsami leh ugu qabsoomi lahaa, isagoo ka codsaday shacabka inay ka shaqeeyaan nabadgelyada.
Intaas kaddib Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa isku raacay in loo diyaar garoobo qabsoomida shirka, iyadoo martida ka qeyb galeysa shirka Madaxda dowlad goboleedyada loo saaray Guddi qaban qaabiya soo dhoweyntooda iyo howlaha la xiriira dar dar gelinta shirka.
Labada Madaxweyne kuxigeen iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa howshan hormuud looga dhigay, iyadoo si rasmi ah loo bilaabay qaban qaabada shirkan oo bilaabanaya todobaadkan gudihiisa.
Khilaafka Khaliijka ayaa saameyn ku yeeshay siyaasadda Soomaaliya, kaddib markii dowladda Federaalka ay ka qaadatay mowqif dhex dhexaad ah, hase ahaatee Maamul goboleedyada ayaa ka hor-yimid go’aanka dowladda Dhexe, iyagoo taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Comments
Post a Comment