Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre oo dalka dib ugu soo laabtay
Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayay oo booqasho ku tegey wadanka Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kale Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre uu caawa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo qeybgalay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ee lagu qabtay dalka Maraykanka.
Wafdiga Madaxweynaha oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada Yuusuf Garaad ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa kasoo degay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii magaalada New York ee dalka Mareykanka ay uga qeyb galeen Shirweynahii 72aad ee Golaha guud ee Qaramada midoobay.
Ra’isul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo uu noqday ra’iisal wasaare Kheyre mas’uulkii ugu sareeyay oo xilli habeenimo ah ka soo dega garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho muddo kabadan 27 sano.

Comments
Post a Comment