MASUUL LA SHEEGAY INUU KA MID NOQDAY DADKII SAAKI SHABAAB AY KU DILEEN KULBIYOW

Wararka ka imaanaya deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahandii Al Shabaab ee saakay weerarka ku galay deegaankaasi ay halkaasi ku dileen tiro badan oo katirsan Ciidanka Kenya iyo kuwa Jubbaland.

Weerarka waxaa sidoo kale ku dhintay dad shacab ah oo ka agdhawaa saldhiga Ciidamada Kenya ee weeraraka lagu qaaday iyo dad kale oo iyana ku sugnaa xaafado ku dhaw dhaw halka ay ku dagaalameen Shabaab iyo ciidanka Kenya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka Al Shabaab ku dileen Deegaanka Kulbiyoow uu ku jiro gudoomiyihii deegaankaasi Maxamed Tooxyare Nuux , waxaana la sheeagy masuulkan in uu ku sugnaa saldhiga ciidamada AMISOM ee la weeraray.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii ay ku qaadeen Deegaanka Kulbiyoow ay ku dileen in ka badan 60-askari oo katirsanaa Ciidamada Kenya sidoo kale ay qabsadeen gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Wararkii ugu dambeeyay Deegaanka Kulbiyoow ka imaanaya ayaa sheegaya in Al Shabaab ay isaga baxeen deegaankaasi, waxaana deegaanka dib ugu laabtay Ciidamada Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ee saakay laga saaray.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre oo dalka dib ugu soo laabtay

Axmed Ducaale Xaaf oo xaalad deg deg ku soo rogay deegaanada Galmudug