DAAWO HOOYO SOOMAALIYEED OO KA MID NOQOTAY TAKSILEEYDA KA SHAQEYSA MAGAALADA LONDON EE DALKA INGIRIISKA
Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada London ee dalkaas Ingiriiska
ayaa waxaa la sheegay inay ka mid noqotey shaqaalaha Taksiyada ka howl
gala magaalada London.
W/D:-Abwaan Saacid Caddow Maan qaboojiye
Hooyadaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Faa'iso Cabdi Ereg islamarkaana
ah hooyo xaas leh oo heysata 7 caruur ah ayaa waxay u shaqeysaa
shirkada Taksiyada ee lagu magacaabo Uber, Hooyadaan ayaa waxaa ay
sheegtay inay shaqadaan ay tahay mid u fudud islamarkaana ay ku dhex
wadan karto maareynta howlaha gurigeeda iyo ka warqabka caruurteeda.
Ugu dambeyntiina hooyadaan Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegtay inay
ahayd waligeedba qof shaqeysan jirey laakiinse ay shaqadaan tahay mid
uga fudud shaqooyinkii hore ee ay qaban jirtey iyadoona intaas raacisay
inay jeceshahay inay sii wado shaqadaas, Sidoo kale ayaa waxay sheegtay
hooyadaas inay dadku ay weydiiyaan mararka qaarkood inuu ninkeedu uu
raali ka yahay shaqadeeda ah iney ka mid noqoto taksileeyda ka xamaalata dalka ingiriiska.W/D:-Abwaan Saacid Caddow Maan qaboojiye
Comments
Post a Comment