DAAWO HOOYO SOOMAALIYEED OO KA MID NOQOTAY TAKSILEEYDA KA SHAQEYSA MAGAALADA LONDON EE DALKA INGIRIISKA
Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada London ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay ka mid noqotey shaqaalaha Taksiyada ka howl gala magaalada London. Hooyadaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Faa'iso Cabdi Ereg islamarkaana ah hooyo xaas leh oo heysata 7 caruur ah ayaa waxay u shaqeysaa shirkada Taksiyada ee lagu magacaabo Uber, Hooyadaan ayaa waxaa ay sheegtay inay shaqadaan ay tahay mid u fudud islamarkaana ay ku dhex wadan karto maareynta howlaha gurigeeda iyo ka warqabka caruurteeda. Ugu dambeyntiina hooyadaan Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegtay inay ahayd waligeedba qof shaqeysan jirey laakiinse ay shaqadaan tahay mid uga fudud shaqooyinkii hore ee ay qaban jirtey iyadoona intaas raacisay inay jeceshahay inay sii wado shaqadaas, Sidoo kale ayaa waxay sheegtay hooyadaas inay dadku ay weydiiyaan mararka qaarkood inuu ninkeedu uu raali ka yahay shaqadeeda ah iney ka mid noqoto taksileeyda ka xamaalata dalka ingiriiska. W/D:-Abwaan Saacid Caddow Maan q...